Waxaa la shaaciyey magaca Maxbuuskii Alshabaab ee shalay ka baxsaday xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho, kadib dagaal ka dhacay gudaha Xabsiga oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.
Maxbuuska ka baxsaday xabsiga dhexe ayaa lagu magacaaa Mubaarak Ibraahim Iidle, kaasoo sanadkii 2014 lagu xukumay 10 Sanno oo Xabsi Ciidan, waxaana u harsanaa 4 sano, waxaana ui suuragashay inuu bistoolad ku dagaalamo, ka baxo xabsiga, isla markaana dilo laba qof.
Maxbuuskan oo ku hubeysan Bistoolad ayaa dilay askari iyo qof oo Mooto watay, isagoo ku baxsaday Mootadii uu ka dishay qofkii uu watay.
Xalay iyo maanta ayaa baraha bulshada lagu hadal hayey in qfka baxsaday uu yahay Maxamed Ilka-case oo ah dilaa caan ah oo kusoo shaac baxay wareysi lagula yeeshay Barnaamijka Gungaar.

