Friday, July 18, 2025

Maxkamad ku taalla Hargeysa oo Xasbi ku xukuntay Wiil Buug ka qoray Madaxweyne Farmaajo & Eedeynta…

Maxakamada Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday Wiil Buug ka qoray Guushii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo lagu eedeeyay inuu boggiisa Facebook uuu ku dhaliilay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maxakamada  ku xukuntay Maxamed Kayse Bigeeye xasbi dhan Hal sano iyo Lix bilood, kadib markii lagu soo eedeeyay bogga Facebook uu ku soo qoray erayo ka dhan ah madaxweynaha Somaliland oo uu meel ugu dhacayo sharaftiisa.

Ereyada xarigiisa loo cuskaday wiilkan ayaa ahaa erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland waa Local” , isagoo sidoo kale Buug uu ka qoray Guushii doorashada madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ku soo bandhigay bartaasi, wuxuuna xabsiga ku jiray ku dhowaad 2 bilood.

Somaliland ayaa isu bedeshay maamul aan dulqaad u lahayn fekerka dadka iyo muujinta  ra’yiga, iyadoo si weyn loogu caburiyo dhalinyarrada iyo hal abuurka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON