Saturday, April 20, 2024

Maxkamad la soo taagay 10 Rag ah oo loo heysto kiiskii Kufsiga & Dilka Caa’isha Ilyaas.. [Sawirro]

Waxaa maanta Maxkamadda Darajada kowaad ee gobolka Nugaal, magaalada Garowe lasoo taagay eedeysanayaal gaaraya 10 qof oo rag ah, kuwaasoo loo heysto kufsigii iyo dilkii naxdinta lahaa Caa’isha Ilyaas Aadan oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ayaa ku furantay iyadoo la dhegaysatay Dacwadda xeer-ilaalintu kusoo oogtay 10-ka eedaysane, kadibna waxaa hadalka la siisay Qareennada difaacaya Eedaysanayaasha, waxaana dhacday in mid kamida Qareennada uu codsaday in dib loogu dhigo dhegaysiga kiiska si ay wakhti iyo xog ku filan u helaan oo ay ku difaaci karaan eedeysanayaasha.

Maxkamadda ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay dhegaysiga Dacwadda loo haysto eedeysanayaasha kufsiga iyo dilkii u geystay Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12 sano jir oo kiiskeeda si weyn looga wada naxay.

Ad

Waxay Maxkamaddu dib u muddeysay Dacwadda inay dib u furmi doonto toddobaad kadib, siiba Sabtida ah ee todobaadka soo socda.

Image may contain: 9 people, people smiling
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON