Maxkamadda caalamiga ee caddaaladda ayaa amar ku siisay Mareykanka inuu ka dabciyo Iiraan cunaqabataynta cusub uu kusoo roggay dalkaasi, kaddib markii uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee u dhaxeeayay Yurub, Mareyanka iyo Iiraan.
Maxkamadda ICJ oo uu guddoomiye u yahay Ninka Soomaaliga ah ee C/qawi Axmed Yuusuf ayaa taageertay dacwad Iiraan ka gudbisay Mareykanka, waxayna sheegtay in badeecadaha gargaarka sida cunada iyo dawooyinka loo ogolaado in loo dhoofiyo waddanka Iiraan, iyo waliba qalabka loo adeegsado diyaaradaha rayidka.
Maxkamadda ICJ waxay sheegtay inaysan awood u lahayn inay ka hadasho khilaafka Iiraan iyo Mareykanka maadaama uu khuseeyo ammaanka qaranka dalalkaasi, laakiin Mareykanka looga baahan yahay inuu ka joogsado cunaqabateynta taabaneysa dadka rayidka ah.
Maxkamadda ICJ oo u fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa Qaramada Midoobay u qaabilsan xallinta khilaafaadka arrimaha sharciga ee hareeya dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.
Mareykanka ayaa ka horjeeda maxkamadda ICJ, waxayna qaar ka mida madaxda Mareykanka ku tilmaameen sharci darro.