Monday, July 28, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo Dil iyo Xabsi ku xukuntay qaar ka mida Askartii la geeyay Gobolka Gedo

Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida ee Qeybta 27aad ayaa maanta xukuno Dil toogasho ah iyo xabsi ku riday Afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada Milaeriga iyo Nabadsugida ee la geeyay Gobolka Gedo.

Askartna ayaa lagu helay falal dil iyo dhac ah oo ay ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo. Dable NISA: Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xoogga: Salmaan ibraahin Shire (Weyl-furatey) ayaa lagu xukumey dil toogasho ah.

Dhinaca kale Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Sadddex sano oo xarig ah. Sidoo kale Sharma’arke Muxumed Cali ayaa isna lagu xukumay hal sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27-aad ee Ciidamada qalabka sida Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in kadib markii askartan lagu helay caddeynta dambiyada lagu soo eedeeyay xukunka lagu riday, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON