Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Saaka soo saartay xukun ay ku riday saddex ka mida dableydii Alshabaab ee weerarka dhiiigga badan daatay ku qaaday Hotelka Naasahablood II ee magaalada Muqdisho.
Dableydan oo ka koobnaa saddex qof ayaa ka mida haa koox ka tirsan Alshabaab oo la qabtay kadib weerarkii 28-kii Oktoobar 2017 weerartay Hotelka Naasa hablood 2 ee Magalada Muqdisho oo muddo 12 saac ka badan ay heysteen, laguna dilay dad fara badan..
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa eedeysanayaasha oo kala ah: Farxaan Maxammed Samatar, C/naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inay falkaasi qeyb ka ahaayeen.
Maxkamadda ayaa ayaa sheegtay inay u furan tahay eedeysanayaasha inay rafcaan ka qaataan xukunka.