Monday, June 23, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Laba Nin oo magaca Alshabaab ku geysan jiray Afduub iyo Baad ay…

Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa maanta xukun xabsi oo 15 sano ah ku riday laba nin oo lagu helay inay dadka ku afduuban jiraan lacago baad ahna uga qaadan jireen magaca Alshabaab.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa loo haystaa in ay dadka baad kaga Qaadi jireen magaca Alshabaab iyo Afduubka dhowr qof oo ay madax furasho ka qaateen.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa isticmaali jiray SIMCARD SOMNET oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ku waydiisanayeen Bixinta lacagaha ay Argagixisada ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.

Ad

Intii ay wadeen Howshan waxa ay sameeyeen dhowr Afduub oo ay u gaysteen Hablo Soomaaliyeed iyaga oo ka qaatay lacag u dhexeyso  kun ilaa laba kun oo Dollarka Maraykanka, waxa ay sidoo kale Eedeysanayaasha sheegteen in ay ku qaadi jireen baadda magaca Alshabaab oo ay dhowr jeer ugu suura gashay helidda lacagtaas, waxa ay  dadka ku kalifi jireen in ay ku ballamiyaan Masaajidda iyo Xaafado ku yaal Cirifyada Muqdisho  iyo suuqa wayn ee Bakaaraha.

Mid kamid ah dhibanayaasha  Goobjoogga  u ahaa Maxakamadaynta labada Eedeysana ayaa u sheegtay Garsoorka in ay kaga shakisay labadaba Gor-gortanka lacagta sidaasna ay  ku wargelisay Ciidamada Amniga gaar ahaan Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo  soo qabtay Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, dabayaaqadii May sanadkan 2021.

Bishii July ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanayaasha Maxkamadda, waxaanna xilligaasi Xafiiska Xeer Ilaalinta oo awood u leh dhaqaajinta Dacwadda ay ka Codsadeen Maxkamadda in Eedeysanayaasha Xabsiga Dhexe lagu hayo Garsuge ahaan.

- Advertisement -

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa baaritaan dheer kadib Codsday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda Dabayaaqadii August Sanadkan, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay fadhigii koowaad isla xilligaasi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo iyaga Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Xeer Ilaaliye Maxamed Cabdullaahi Khaliif  ayaa u sheegay Garsoorka in Eedeysanayaasha ay xitta ku handadi jireen dadka ay Afduubtaan ee lacagaha ay ka qaadaan in Gaariga ay ku xiran-yihiin walxaha Qarxa oo hadii ay dhaq-dhaqaaq sameeyeen ay ka dhalan karto in ay wada Qarxaan taasi oo u fududaysa Eedeysanayaasha in Gabdhaha  ganacsatada  ah ay ka saaraan Magaalada.

Qareenada u dooday eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda iyagana ka codsaday in laga qaado magdhow eedeysanayaasha oo ay sheegeen dambiga ay galeen kaliya in uu ku koobnaa Turufo.

- Advertisement -

Dhowr fadhi kadib Maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay Kiiska Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow, waxa ayna Maxkamadda ku xukuntay Min 15-sano oo Xabsi Ciidan ah sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanayaasha ayaa haysta Fursad ay ku dalban karaa Rafcaan 30-cisho gudahood.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq
Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON