Thursday, May 2, 2024

Beesha Caalamka oo lagula taliyey inay farageliso khilaafka Farmaajo iyo Rooble (Akhriso Digniin Culus..)

Hay’adda ka faalloota xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group ayaa warbixin ay kasoo saartay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha kusoo jeedisay tallaabooyin xaaladda lagu qaboojin karo.

Warbixinta ICG ayaa lagu sheegay in madaxda Soomaalida ay mar kale ku ciyaarayaan ‘DAB’, isla markaana, waxay ka digtay inuu muranka siyaasadeed xilli kasta isu bedeli karo dagaal suidii dhacday Bishii April 2021 markii uu muddo kororsiga sameystay Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Warbixinta Hay’adda ICG ayaa lagu faahfaahiyey dhacdooyinka khilaafka u dhaceeyay Farmaajo iyo Ra’iisal wasare Maxamed Xuseen Rooble, iyo xaaladihii uu soo maray, waxayna soo xigtay qof ku dhow Rooble oo u sheegay in xiriirka Farmaajo iyo Rooble uu gaaray heer aan soo noqod lahayn.

Ad

Waxay ka digtay in halista jirta ya tahay mid aad u saraysa, ayna muuqato inuu dalku galo rabshado, xilli ay labada nin ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha wadaan dagaalkooda siyaasadeed ee mid waliba doonayo inuu kan kale ku wiiqo, dagaalkuna yahay mid la filayo inuu dhaco.

Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka waxay waxay ka digtay tallaabo ay qaadi karaan kooxda Farmaajo oo ah inuu Farmaajo saaxiibkiis Guddoomiyaha Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdirhaman ka dalbado inuu dhaqaajiyo mooshinka xil ka qaadista Rooble. Waxayna ka digtay tallaabo kasta oo xilka looga qaadayo Rooble ay noqon doonto mid aad loogu murmo, oo shaciyadeeda la duro, siina hurisa xaaladda.

Kiiska Ikraan ayey ICG sheegtay in si weyn loo rumeysan yahay inay xog ka heysay askarta tababarka loogu diray dalka Eritrea. “Waxa laga yaaba in sarkaalad Ikraan ay rabtay inay shaaca ka qaado ama fashiliso xog ku saabsan arrinta muranka badan dhalisay ee ciidamada Soomaalida ee tobabarka Eritrea loogu geeyay.”

- Advertisement -

Hay’adda waxay soo jeediysay tallooyinka soo socda:

– Labada dhinacba waa inay tallaabo ka soo laabtaan xaaladda halista ah, waana ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa doorashooyinkii mudada dheer qaatay.

– Madaxweyne Farmaajo iyo xulafadiisa waa inay ka fogaadaan dadaal kasta oo lagu ridayo ra’iisul wasaaraha si aysan u carqaladeyn socodsiinta Doorashada.

– Farmaajo waa inuu fuliyaa ballanqaadkiisii ​​hore ee ahaa inuu ixtiraamo xilka Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisul wasaaraha ee maaraynta Doorashada.

- Advertisement -

-Farmaajo waa inuu aqbalaa ra’iisul wasaaraha inuu u magacaabo ,maamulka Hay’adda NISA, isla markaana uu joojiyo ka hortago tallaabooyinka uu qaadayo Ra’iisal wasaaraha.

-Rooble, isna waa inuu hore ugu socdaa Doorashada, isla markaana uu siiyaa ahmiyada ugu weyn.

-Beesha Caalamka waa inay si miisaan leh ugu diyaar garoobaan xaaladda oo ay qaadaan tallaabooyin lagu shaacinayo kuwa u dhaqma sidii qaswadayaasha, looguna hanjabo cunaqabateyn ay ka mid yihiin xayiraad socdaal ama hanti.

-Kiiska Ikraan iyo baaritaanka uu horkacayo xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida waa inuu sii socdaa oo aan la hor istaagin. Waa in lasoo bandhigaa wixii ka soo baxa, si loola xisaabtamo kuwa masuulka ka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON