Sunday, July 13, 2025

Maxkamadda Ciidamada Puntland oo soo saartay Amar Culus oo ku socda Madaxda Hay’adda PSF

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo amar culus kusoo rogtay madaxda Hay’adda PSF ee xilka laga qaadya iyo kuwa cusub ee la magacaabay.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu soo bandhigay ciqaabta ka dhalan kara haddii ay saraakiisha ciidamada amardiido sameeyaan, sida xil ka qaadista, iyadoo awoodda ugu sareysa ciidamada uu leeyahay madaxweynaha Puntland.

Qodobka ugu culus ee maxkamadda soo saartay ayaa ah in agaasimaha cusub ee PSF Gen. Amiin cabdilaahi Xaaji Khayr waa inuu ilaaliyo, masuuliyadna iska saaro, hubka, gaadiidka, dareyska iyo dhammaan hantida ciidamada PSF ee yaalla Badda iyo Beriga.

AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

KU: AG/Guud ee Ciidamada PFS S/Guuto Aamiin Cabdullahi Xaaji Khayr
OG: Madaxweynaha Dowladda Puntland OG: Wasiirka Amniga Dowladda Puntland
OG: Taliyaha Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland
OG: Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland

Anigoo tixraacaya qodobada xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland iyo Soomaaliya, sida qodobada soo socda: (B) 289. (T) 290. (J) 291. (X) 305/306/307. Kuwaas oo tilmaamaya xariga, ganaaxa iyo ciqaabta Saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland.

Qodobadan soo socda waxay fiira gaar ah u lee-yihiin Saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dembiyada ay galaan 308/309/310/311, qodobadaasi waxay qeexayaan Xilkaqaadista, Xariga iyo ganaax ay mutaystaan dhammaan saraakiisha ciidamada ee gala dembi in laga qaado Xilka, in Xabsi loo diro iyo in la Ganaaxo.

Qodobada Xeerka ciidanka oo lala akhriyo qodobada dastuurka dowladda Puntland, sharciga iyo kala dambaynta wixii amardiido Dowli ah la yimaada ayaa lagu qaadayaa qodobada kor kuxusan. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ah Taliyaha Guud Ciidamada Qalabka Sida Ahna Illaaliyaha Sharciga, Dastuurka, Qawaaniinta iyo Shuruucda Dalka u yaalla. Xil Magacaabis iyo Xilkaqaadis waxaa iska leh Taliyaha Guud ee Ciidmada Qalabka sida ee Dowladda Puntland waana Madaxweynaha Dowladda Puntland.

QODOBKA 1-AAD ee kala saraynta ciidamada Qalabka sida ee dowladda Puntland, cidkastoo ka hortimaada qawaaniinta, shaciga iyo kala dambaynta dowliga ah waxaa lalatiigsanayaa xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida iyo Maxkamad ciidan oo la horkeeno cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Dowladda Puntland iyo ila alinta Dartuurka sharciga ciidanka u yaalla.

Cidkasta oo ku xad gudubta waxay la kulmaysaa ciqaab Maxkamadeed, qofkasta wuxuu la kulmayaa ciqaabta u dhiganta qodobada korkuxusan Waxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Dembiyada Culus soo gudbinaysaa, kuna Amraysaa Agaasimaha Guud ee ciidanka PSF S/Guuto Amiin Cabdullahi Xaaji Khayr inuu ilaaliyo, masuuliyad dhammaystirana iska saaro Hubka, Gaadiidka, Dareeska iyo dhammaan hantida ciidamada PSF wax Bad ku jira iyo wax Beriyaalaba, isla-markaana uga guto waajibaadkiisa sida uu qabo dastuurka Dowladda Puntland ee dhawrista hantida Dowliga ah.

S/GUUTO MAXAMUUD CABDI MAXAMED

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON