Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa amar kasoo saartay nin ajnabi ah oo 19-kii bishan lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Antony Thomas Cox ayaa ah 48 sano jir heysta dhalashooyinka dalalka UK iyo France, waxayna Maxkamadda Gobalka Banaadir amartay maanta in xabsiga dhexe loo gudbiyo.
Antony Thomas ayaa lagu soo eedeeyay isku day qatar gelinta deganaanta guud ee dalka iyo inuu ku guul dareystay inuu hay’adaha ay quseys o u sheego walxaha qarxa oo uu la galay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Wuxuu waja qodobadda (332-531) ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, waxaase laga yaabaa in si hoose ay dowladda Soomaaliy u cafiso.