Thursday, May 2, 2024

Maxkamada G/Banadir oo mar labaad dib u celisay eedeysanayasha loo heysto dilkii Axmed Dowlo. (Sawirro)

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dib u celisay dacwadii lagu soo oogay dadkii ka dambeeyay Dilkii naxdinta lahaa ee lagu nolosha lagu gbuay aMarxuum Axmed Mukhtar Saalax (Axmed dowllo) oo Septembar 2018 lagu dilay xaafada Jungal, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Waxaa maxkamadda markii labaad la hor keenay lix eedeysane oo isugu jira haween iyo rag iska kaashaday dilka marxuum Axmed Dowlo, iyadoo qof kale oo kiiskan ku jiray uu baxsaday, waxayna maxkamaddu dhageystay dacwadda ay kusoo oogeen xeer ilaalinta oo soo bandhigtay agabkii loo adeegsaday dilka marxuumka iyo sida dilku u dhacay.

Wararka aya sheegaya in maxkamada aysan weli ku qancin caddeymaha la hor keenay Maxkamada ee ku saabsan dilka Axmed Dowlo, waxaana guddoomiyaha maxkamadda uu amr kale ku dhawaaqay in dhageysig socon doono, iyadoo aan waqti la qaban.

Ad

Kiiska dilka Maxruum Axmed dowlo oo dhacay 20 September 2018 ayaa waxaa dhaliyay markii ay laba qoys oo deris ahaa isku qabteen Gabar uu guursaday Wiil uu Adeer u yahay marxuumka la dilay, taasoo ay ugu wacneyd arrimo la xiriira heybsooc, iyadoo aan la ogeyn in Maxkamaddu go’aan ka gaari doonto iyo in kale.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON