Thursday, June 26, 2025

Maxkamadda G/Banadir oo Amartay in la soo xiro Saraakiishii ka danbeysay Xariga Agaasime loo heysto Musuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta bilowday dhageysiga dacwad ku saabsan musuqmaasuq oo lagu soo eedeeyay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka xukuumadda Soomaaliya ayaa amartay in la soo xiro mas’uuliyiintii ka dambeeyay xariga loo geystay agaasime Daahir Maxamed Nuur.

Maxkamadda ayaa amrtay in la soo xiro laba Sarkaal oo ka mid ahaa raggii soo xiray agaasime waaxeedka oo gurigiisa lagu weeraray, iyadoo warbaahinta dowladdana ay sheegtay in loo heysto lacag uu lunsaday oo lagu sheegay 84-kun oo Doolar.

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in soo qabashadda Daahir Maxamed Nuur in aan loo marin waddo sax ah, islamarkaana loo baahan yahay in lasoo xiro raggii soo xiray ee fuliyey falka loogu dhacay gurigiisa.

Maxkamadda G/Banadir ayaa amartay in lasoo xiro labada sarkaal ee kala ah: Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan C/xakiin Mursal oo ka mid ahaa raggii soo qabtay agaasimaha, waxayna ka tirsan Hay’adda Dambi Baarista ee CID-da.

Daahir Maxamed Nuur oo ahaa Agaasimihii Waaxda Dib u dejinta barakacayaasha,lagu soo eedeeyay “Xatooyo Xoolo dadweyne” ayaa wararku sheegayaan in kiiskiisa uu weji kale yeeshay iyadoo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka uu ka danbeeyay arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON