Tuesday, July 1, 2025

Maxkamadda ICJ oo ku dhowaad Sanad Mar kale dib u dhigtay Dacwadii xuduudka Badda ee Somaliya & Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ ayaa mar kale dib u dhigtay Dacwadii xuduudka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda oo lasoo gaarsiiyey dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib loo dhigay Dacwadda Badda ee Somalia iyo Kenya, iyadoo la dhageysan doono kiiskan June 8- 12, 2020-ka., taasoo ka dhigan in muddo 8 bilood oo kale dib loo dhigay dacwadda, iyadoo hore laba bilood dib loo dhigay waxayna sidaas Maxkamaddu ku qaadatay codsigii dowladda Kenya

Go’aankeeda Maxkamadda kasoo baxay ayaa lagu caddeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin, sida laga soo xigtay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo safiirka Soomaaliya Midowga Yurub.

Xilligan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya ay galeyso olole doorasho iyo waqtiga dowladda hadda jirta oo gabaabsi, taasoo culeys weyn ku ah dowladda Soomaaliya, waxayna Kenya u muuqataa inay gaartay ujeedkii ahaa inay dib u sii riixo dacwaddan oo ay cabsi ka qabtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON