Sunday, July 13, 2025

Maxkamadda ICJ oo Uganda ku xukuntay inay Boqolaal Milyan Dollar magdhow u siiso Congo DR

Maxkamadda Cadaaladda Qaramada Midoobay ee ICJ ayaa maanta soo saartay xukun ay dowladda Uganada ku amartay inay siiso dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) lacagh boqolaal milyan oo dollar magdhow ah.

Lacagta dalka Uganda lagu xumay inuu magdhow ahaanta u bixiyo ayaa gaareysa $325m oo Doolar, Waxayna salka ku heysaa dagaalkii cuslaa ee dalalka deriska ah Congo ka hureiyeen dlkaasi, sanadkii 1990kii.

Maxkamadda ICJ waxay xustay in magdhowga la siinayo dalka DRC uu yahay waxyeelada dadka iyo hantida dalkaasi kasoo gaartay falalkii ay Uganda ku jebisay waajibaadkia caalamiga ahaa ee ka saarnaa deriskeeda oo ciidamo ay u dirtay iyo jabhado ay ku hubeysay, sida ay qoraal ku soo saartay Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Garsoore Joan E Donoghue.

Amarka magdhawga ah ayaa yimid in ka badan 15 sano kadib markii Maxkamada Qaramada Midoobay ay xukuntay xukun adag oo ka kooban 119 bog oo ah in dagaalka ay ciidamada Uganda ku qaadeen dalka CONGO DRC uu jabiyay sharciga caalamiga ah. Sannadkii 2005-tii maxkamadda ICJ waxay xukuntay in Uganda ay bixiso magta, waxba ma bixin Uganda.

Lacagta la bixiyay ayaa aad uga hooseysa codsigii ahaa in ka badan $11bn oo ah magdhow ay dowladda DRC ay ku dalbatay qasaarihii ka dhashay qabsashada gobolka Ituri ee Waqooyi-bari ee dalkaasi.

Lacag gareysa $225m waa magdhowga: “khasaarada nolosha iyo waxyeelada kale ee dadka” oo ay ku jiraan kufsiga, askaraynta carruurta iyo barokaca ilaa 500,000 oo qof. Waxay qiimaysay $40m oo kale oo ah burburka hantiyeed iyo $60m ee waxyeelada khayraadka dabiiciga ah, oo ay ku jiraan dhaca Dahabka, Dheemanka, Alwaaxyada iyo alaabaha kale ee ciidamada Uganda ama fallaagada ay taageerayeen.

Xukunka ay gaartay maxkamada fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa imaanaya kadib dagaal dheer oo dhanka sharciga ah oo lagu doonayay in magdhow lagu bixiyo dagaalaldii ba’naa ee 1998-2003 oo ay ku dhinteen kumannaan qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON