Maxkamadda Drajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa eedeysanayasha kala ah Xasan Muuse Warsame iyo Xasan Xuseen Maxamed oo ka tirsan ciidamada Booliska u qabatay waqti la qaadayo dacwadooda markii saaka la hor keenay.
Labadan askari ayaa loo heystaa inay si bareer ah rasaas ugu fureen laba gabdhood oo wada saarnaa Bajaaj mareysay Bar kontorool oo ay joogeen 7-da bishii Septembar ee sanadkan 2019, waxaana galkaasi ku dhimatay marxuumad Istar Axmed Cabdulle, halka ay ku dhaawacantay Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle.
Hey’adda dambi baarista Boliiska CID ayaa ku soo wareejiyay labada eedeysane Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxa uuna xafiiska weydiistay Maxkamadda 15-ka bishii Sagaalaad ee sanadkan in loo dhaa-dhiciyo xabsiga dhexe garsuge ahaan.
Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo eedeeyay labada eedeysane baaritaan dheer kadib 16-ka bishii tegtay, waxa ayna Maxkamadda weydiisteen in la muddeeyo dacwad qaadista Xasan Xuseen Maxamed iyo Xasan Muuse Warsame oo loo heysto dilka Marxuumada Istar Axmed Cabdulle iyo Dhaawaca Dhibane Faadumo Axmed Cabdulle oo ahaa walaalo marayay agagaarka Isbitaalka Masaarida ee degmada Hodan.
Shan cisha kadib ayay Maxkamaddu ballamisay dhageysiga dacwadooda. Maxkamadda ayaa ugu horeynba u jeedisay eedaha loo heysto labada eedeysane, waxaana fursad loo siiyay in ay ka jawaab celiyaan.
Dable Boliis Xasan Xuseen Maxamed oo ka jawaabayay eedda loo heysto ee ah dilka iyo dhaawaca ay u geysteen gabdho walaalo ah oo Bajaaj wada saarnaa ayaa Maxkamadda u sheegay in ay si wada jir ah xabada u rideen isaga iyo eedeysanaha labaad ee Maxkamadda hor taagan.