Sunday, June 22, 2025

Maxkamadda oo Xukun ku riday Lix Ganacsade oo Alshabab u qaabisanaa soo dejinta Kiimikada Qaraxyada…

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday Ganacsato ku eedeysan inay dalka keeni jireen Kiimikada oo adeegsado waxyaabaha qarxa, ayna u gudbin jireen Alshabaab.

Ganacsatadan ayaa gaaraya 7 qof ayaa waxaa maqnaa laba ka mida, waxayna magacyadooda kala yihiin:

1- Cabdisalaan Cali Faarax : Madaxda kooxdan oo la qabtay isagoo u socda dalka Kenya
2- Khadar Cabdisalaan Maxamud : Waxaa laga qabtay Dekadda, isagoo dejinaya agab kiimikada oo saddex Konteenar ku jira.
3- Maxamed Cabdi Sheekh Cumar: Ganacsade dhoofiya Liinta la qalajiyey, waxaana lagu diray kiimikada loo adeegsado qaraxyada, wuxuu u dhaxeeyay dekadda iyo Alshabaab.
4- Daahir Cusmaan Maxamed: Wuxu ka baxay Jaamacadda Hormuud, wuxuu ka shaqeeyay Hub laga keeni lahaa Yeman oo suuragal noqon waayey.
5- Cabdisalaan Cusmaan Maxamed: Kaliya waxaa lagu helay xiriirka walaalkiis oo ah madaxa kooxdan.
6- Siciid Xuseen Maxamuud (Siciid Doroogo): Wuxuu u baxsaday degaanada Alsabaab
7- Maxamed Cusmaan Maxamed (Far-liqe): waa isu-duwaha kooxdan oo degaankiisu ahaa degmada Jilib

Kiiskan waxaa sirdoonka Soomaaliya kusoo wargeliyey oo fashiliyey kooxdan sirdoonnada dalal kala duwan oo la isku dayey in laga soo iibsado maadooyin halis ah oo mamnuuc ah in la dhoofiyo, waxaana laga hortegay ilaa 10 Konteenar oo maadooyinkaasi ah oo lagu qabtay dekaddo ku yaalla Muqdisho iyo dallaka India, Sacuudiga, Cumaan iyo India.

Ad

Maxkamadda waxay xabsi daa’in ku xukuntay isu-duwaha kooxdan Maxamed Cusmaan Maxamed.

Waxaa sidoo kale 8-sano oo xabsi ah lagu xukumay shanta eedeysane ee kala ah:

1- Cabdisalaan Cali Faarax
2- Khadar Cabdisalaan Maxamed
3- Maxamed Cabdi Sheekh Cumar
4- Daahir Cusmaan Maxamed
5- Siciid Xuseen Maxamud (oo maqane ah).

- Advertisement -

Maxkamadu waxay sii deysay Cabdisalaan Cusmaan Maxamed oo wax denbi ah lagu waayey. Waxayna heystaan muddo Bil ah oo rafcaan uga qaataa xukunka lagu riday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON