Sunday, June 22, 2025

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun cusub ku riday Taliyihii Booliska ee Afduubka iyo Dilka lagu helay

Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukunno cusub ku riday Taliyihii saldhiga degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho Kabtan Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye iyo Koox askar ah oo hore loogu helay afduubka iyo dilka ganacsade Marxuum Abuukar Axmed Kaabax Muqdisho lagu dilay bishii February 2024.

Kooxda Taliyaha oo ka koobneyd 6 qof, ayaa waxaa taliyaha kula eedeysanaa Dable Booliis Maxamed Cabdi Qoone, Liibaan Maxamed Axmed oo abaabulay kiiska dilka marxuumka, Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin], Maxamed Cadaawe Cali & Yaasiin Cabdi Jaamac.

Kadib rafcaan ay qaateen eedeysanayaasha ayay aqbashay Maxkamadda Sare ee Ciidamadda iyadoo dib loo dhageystay kiiskan, waxaana ugu dambeyn ay maanta xukun ka soo saartay xukunka soo socda:

Ad

1- Ex. Dhamme Cabdifataax Maxamed Xasan Qoslaaye -taliyihii saldhigga Heliwaa iyo Ex. Dable Booliis Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, waxay Maxkamadda sare ee ciidamada ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

3- Liibaan Maxamed Axmed oo maqane ah waxay mxkamaddu ku xukuntay Xabsi Daa’in.

4- Maxamed Cadaawe Cali, 5- Yaasiin Cabdi Jaamac iyo 6- Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] ay Maxkamadda sare ku xukuntay min 7 sano oo Xabsi ciidan ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON