Maxkamadda Sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhagaysiga dacwad uu geeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ku saabsan kursiga Baarlamaanka Federaalka ee uu kusoo baxay ee HOP086.
Dacwaddan ayaa ka dhan ah Guddiga Hiragalinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT), oo go’aamiyey in dib loogu celiyo Doorashada Kursiga, iyagoo waxba kama jiraan ka dhigay natiijadii Doorashadii ka dhacday Beledweyne.
Dacwadda Maxkamadda Sare ka bilaabatay waxaa isgaa horjeeda xafiiska Garyaqaanka Guud oo difaacaya Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka FEIT iyo Qareenka u doodaya Fahad Yaasiin.
Qareenada xafiiska Garyaqaanka Guud ayaa si weyn ugu doodaya in Maxkamaddu aanay xaq u lahayn qaadista dacwaddan, maadaama heshiiskii 17 kii September ay ku cadeyd habraacyada lagu maamulayo doorashada, laguna xalinayo haddii murano ay ka yimaadaan doorashada.
Dhinaca kale Qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeystay in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu horey u wado qaadista kiiska.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku dhawaaqey in fadhigii Maanta ee dhageysiga Dacwadda Fahad Yasiin ay xirantahay , islamarkaana uu go’aan kasoo bixi doono Maxkamadda dhowaan.
Go’aanka Maxkamadda ayaa taageerayaasha Farmaajo io Fahad ayaa hore u sheegay in go’aanka Maxkamadda uu noqon doono mid lagu fasaxo kursiga Fahad Yaasiin, mana cadda xitaa haddii ay maxkmadda taageerto agaasimihii hore ee NISA inay ay aqbali doonaan Guddiga FEIT.
