Sunday, March 26, 2023

MD. Xasan Sheekh oo kashifay Qodobadda looga hadlayo Shirka Madasha Qaran ee Baydhaba

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ka socda maalinti labaad magaalada Baydahba, iyadoo uu guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud.

Waxaa shirkan ka maqan Madaxweynah Puntland oo maamulkiisa uu qaadacay la shaqeynta Dowladda Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaamiyo ayaa waxaa looga hadlayaa ajendayaal ay ka mid yihiin: Qorshaha Amniga Qaranka, Federaalaynta maaliyadda iyo doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu faafiyay ku sheegay in shirka ay go’aan uga gaarayaan doorashooyinka Heer dowlad Goboleed iyo Dowladda Federaalka.

Ad

”Waxaan shir gudoomiyey shirka golaha wada tashiga qaran ee Baydhabo. Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladaha xubnaha ka ah ayey si qoto-dheer uga wada-hadli doona arrimaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka amniga qaranka, federaalka maaliyadda, iyo doorashooyinka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa faahfaahiyey shirka Baydhaba. “Waxaa aniga iyo Madaxda kale ee ka midka ah Golaha Wadatashiga Qaran, maalintii 2aad inooga socda Magaalada Baydhabo shirkii 5aad ee Golaha Madasha Qaran oo meel-wanaagsan maraaya. Shalay iyo maanta waxay madaxdu isla lafa-gureen qodobo dhowr ah oo muhiim u ah Dowlad-dhiskeenna kuwaas oo kala ah; Dib-u-eegista qaab-dhismeedka Amniga Qaranka, Federaaleynta hannaankeenna Maaliyadeed iyo sidii dalkeenna iyo dadkeennu ugu gudbi-lahaayeen hannaan doorasho oo dadku wax doortaan”.”.

Xogta laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in maqnaansha Puntland uu saameyn ku yeeshay shirka, balse uu Madaxweynaha ku adkeystay in madaxda kale ay go’aano ka gaari doonaan arrimaha hor yaalla.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!