Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi milateri oo Mareykanku ku taageerayo dib u dhiska iyo Qalabeynta ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan ciidamda Danab.
Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Mudane Larry André ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay heshiiska is-afgarad ee horumarinta iyo taageerada ciidanka Xoogga Dalka.
“Waxaan maanta aniga iyo Danjiraha Mareykanka Mudane Larry André is-afgarad ku kala saxiixanay magaalada Muqdisho, kaas oo gundhiggiisu yahay dhisidda ciidamada XDS ee Danab. Waxaan Isku afgaraney xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaarijta” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.
Heshiiskan ayaa ayuu Mareykanku ku bixinayaa tababar iyo qalabeynta ciidanka Danab, si loo gaaro isku filnaansho ay ciidanka xoogga dalka kula wareegi karaan guud ahaan amniga dalka, marka ay ka baxaan ciidamada ATMIS.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in Mareyknaka ay ka go’an tahay inay tababar, qalabeyn iyo tageero caafimaad siiyaan ciidamada xoogga dalka ee Danab si ay Alshabaab uga xoreeyaan degaanada ay ku harsan yihiin.
Munaasabadda ay heshiiska ku kala saxiixanayeen wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliye ku-xigeenka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabaas Amiin.
