Shirkii Madasha Qaran ee Madaxda dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka K/Galbeed.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan madaxda dowlad Goboleedyada oo shalay gaaray magaalada Baydhaba, waxaana la xaqiijiyey baaqsaday Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, halka Madaxweynaha Juballand uu maanta tegayo magaalada Baydhaba.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isla shalay tegay magaalada Baydhaba, waxaana shirka horyaalla ajendayaal ay ugu muhiimsan yihiin: Wejiga labaad ee Dagaalka Alshaaab, Doorashooyinka iyo wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.