Thursday, April 18, 2024

War-Murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran ee Baydhaba iyo Qodobada la isku mari waayey…

Shirkii Madasha Qaran ee Madaxda dalka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhaba, iyadoo dib loo dhigay ajendayaashii muhiimka haaa ee horyaallay shirkaasi.

War-murtiyeedka shirka ayaa waxaa ka muuqda in la isla garay dagaalka Alshabaab iyo Arimaha maaliyadda, halka Qorshah Amniga iyo Doorashooyinka dib loogu dhisay shirka soo socda markii la isku mari waayey.

Waxaa kaloo wafdi ka kooban madaxweynayaasha K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle loo diray Madaxweynaha Puntland oo qaadacay shirka Baydhaba si ay waanwaan ula galaan.

Ad

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka.

QODOBADA HESHIISKA EE SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo heshiisyadii iyo warmurtiyeedyadii ka soo baxay shirarkii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran, Goluhu marka laga reebo Puntland, wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda iyo lifaaqyada qodob kasta oo la socda war-murtiyeedkan:

- Advertisement -

1. FEDERAALAYNTA MAALIYADDA DALKA

• Iyadoo la tixgelinayo heshiiskii Astaynta Awoodaha ee Golohu ku heshiiyay December 2022, Golaha wuxuu isku raacay in la qaato mabaadi’da Federaaleynta Maaliyadda oo ka kooban;

(1) Astaynta iyo cayimidda ilaha dakhliga,

(2) Wadaagga Dakhliga.

- Advertisement -

Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku heshiiyay in la unko laba hey’adood oo kala madaxbannaan oo aan looga maarmin hannaanka federaalaynta maaliyadda oo kala 3 noqonaya;

(1) Hay’adda Dakhliga Qaranka,

(2) Guddiga Qoondeynta iyo Dardar-gelinta Dakhliga.

• Golaha wuxuu isla qaatay jadwal qeexaya sida mas’uuliyadda dejinta siyaasadda canshuuraha u kala leeyihiin Dowladda Federaalka iyo DXDF.

• Goluhu wuxuu isla gartay in deymaha dalka uu mustaqbalka qaadanayo ay noqdaan deymo u adeegayo horumarinta dhaqaalaha dalka oo la gelinaayo mashaariic is bixin kara, loona qoondeeyo si isku dheelitiran, loona maamulo si hufan, isla markaasna aan culeys deymo saari doonin jiilalka Soomaaliyeed ee mustaqbalka.

• Goluhu waxa uu isku raacay in lagu sii dhaqmo heshiiyadii iyo isafgardyadii hore ee daadajinta maaliyadda dalka inta laga hawl-galinayo dhisidda labada hay’dood ee kor ku xusan.

2. DIMUQRAADIYAYNTA IYO DOORASHOOYINKA

Goluhu wuxuu ka dooday arrimaha doorashooyinka gaar ahaan in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Dood iyo falanqayn dheer ka dib, Goluhu wuxuu isku raacay in gorfaynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka xiga ee Golaha oo dhici doona May 2023.

3. DHAMAYSTIRKA HESHIISKA QAAB-DHISMEEDKA AMNIGA QARANKA

• Goluha waxa uu isku raacay meelmarinta iyo ansixinta dhammeystirka dib-u-eegista lagu sameeyay Heshiiska Qaabdhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017, kaas oo mar labaad dib loogu heshiiyay October 2022, waxa uuna saldhig u noqonayaa:

-Dib u habeynata laamaha amniga;

-Tirada ciidamada;

-Waajibaadka hay’adaha amniga;

-Amarka iyo kala danbeynta; iyo

-Maareynta baahiyaha dhaqaale ee laamaha amniga.

• Goluhu wuxuu u soo jeedinayaa DXDF in ay soo dhameystiraan maamul u sameynta degmooyinka iyo deegaannada la xoreeyay iyo kuwa laga 4 xoreyn doono cadowga si ay iskula jaanqaadaan holwgalka dib u xoreynta dalka, barnaamijka xasilinta iyo daadajinta adeegga dowladnimada.

• Golaha Wada-tashiga Qaran waxaa uu mar kale bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah ee ay gaarayaan ciidanka qalabka-sida oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed oo guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu mar kale isla qaatay in ciribtirka kooxaha khawaarijta la dardargeliyo, la iskuna dubarido dadaallada kala duwan ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

4. QODOBO KALE

• Goluhu wuxuu isla gartay in guddi ka kooban Xubno ka mid ah Golaha Wadatashiga Qaran oo kala ah Cabdiaziz Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) loo diro Dowladda Puntland, si ay doorkooda uga qaataan wada-hadalada masiiriga u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka.

• Goluhu wuxuu soo dhoweynayaa wadajir ka iyo isku-duubnida ay muujiyeen Culimada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu bogaadinayaa dedaalka hagar la’aanta oo ay Culimadu ka sameeyeen la dagaalanka Xag-jirka iyo Fatwadii sida wada jirka ah ay uga soo saareen Shirweynihii Qaran ee Culimada Soomaaliyeed oo taarikhiga ahaa.

• Goluhu wuxuu bogaadinayaa Baarlamaanka Federaalka iyo Xukuumada JFS xilkasnimadoodii iyo dedaaladoodii ku aadanaa meelmarinta shuruucyo laf-dhabar u ah dhamaystirka dowlad dhiska dalka muddo aad u kooban gudaheeda.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u amaanayaa Ciidamada Qalabka sida ee geesiyiinta ah, DXDF iyo bulshada Soomaaliyeed halganka iyo doorka ay ka qaateen la-dagaalanka joogtada ah iyo ciribtirka khawaarijta shabaab oo dhibaato ba’an ku ah dadka iyo dalka.

• Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo qayb ka ah hurinta dagaalka iyo sii socoshada colaadda.

• Goluhu wuxuu soo jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka qaadato nabadeynta.

• Goluhu wuxuu si gaar ah u bogaadinayaa shacabka iyo dowladaha Galmudug iyo Hirshabeelle guulaha waaweyn ay ka gaareen la dagaalanka Khawaarijta iyo dib u xoreynta deegaanada Galmudug.iyo Hirshabeelle.

• Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Dawladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), xukuumadiisa iyo shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida sharafta leh oo ay u soo dhoweyeen wafdigii balaarnaa ee labada heer dowladeed una martigaliyeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Lifaaqyo: Heshiisyada ay Golaha ku heshiiyeen:

1. Heshiiska Dhameystirka Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017.

2. Federaalaynta Maaliyadda dalka.

–Dhammaad-

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON