Thursday, June 8, 2023

MD. Xasan Sheekh oo Olole ugu jira inay Ciidamada ATMIS sii joogaan Dalka muddo xileedkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal xoog leh ugu jira in ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay Soomaaliya sii joogaan ilaa uu ka dhammaanayo muddo xileedkiisa sanadka 2026.

Qorshahana ATMIS ayaa ahaa inay dalka ka baxaan dhammaadka 2024, iyadoo ciidamada Somaliya lagu waday inay la wareegaan amniga dalkooda, laakiin waxaa hadda soo baxday dadaalka weyn ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo kooxdiisa ugu jiraan in ugu yaraan 2 sano oo hor leh loogu daro ciidamadaasi.

Madaxweynaha iyo kaaliyeyaashiisa ayaa isaga daba noqday dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya, si arrintan loogu qanciyo, waxaana shir madaxeed arrintan ku saabsan ka dhacayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo looga hadlayo howlgalka ATMIS.

Ad

Go’aanka kordhinta mudadda Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa ku xiran Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo leh go’aanka ugu danbeeya, si kastoo ay isugu raacaan Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo dagaal kula jirta Alshabaab, isla markaana ciidamo badan oo loo tababaray dalka kusoo celisay ayaa weli u muuqata inaysan u diyaarsaneyn inay ciidamadeeda ay Amniga kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,967FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!