Faahafahin dheeraad ah ayaa ka soo baxyesa weerar ay maleeshiyada Al-shabaab ku qaadeen Gaadiidka Basaska ee ka shaqeya magaalooyinka Mandheera ee Waqooyi-Bari Kenya iyo Nairobi.
Laba gaari rakaab ah ayaa shalay la weerarray, waxaana lagu afduubtay 4 qof, iyadoo falalka ay Alshabaab ka fuliyeen Mandheera ay shalay gaareen shan sida uu sheegay Guddoomiyaha maamulka Mandheera Cali Ibrahim Roba oo intaas ku daray in hal gaari lagu gubay weerarka.
Cali Roba ayaa ku eedeeyay ciidamada dowladda Kenya inaysan wax tallaabo ah ka qaadin weerarrada ka dhacay Mandheera, ayna magaaladaasi ku sugan yihiin ciidamada Ajnabiga ah ee taabacan C/rashiid Janan ee maamulka Jubbaland.
Guddoomiyaha Mandhera Cali Roba ayaa maanta sheegay in afartii qof oo Alshabaab ee shalay Alshabab ku adfuubteen degaanka Jabibar ee Mandheera laba ka mida meydkooda la helay saaka, iyadoo ay laba kale weli maqan yihiin.
Dhinaca kale waxaa la joojiyey gaadiidka isaga gooshi jiray Mandhera iyo Nairobi kadib weerarro is xigay oo Alshabaab ku qaadeen gaadiidkaasi oo ku sugnaa Mandheera, ayna sababtay dhimasho iyo afduub.