Sunday, July 13, 2025

Meydadka laba qof oo la helay magaalada Beledweyne iyo xaafado Go’doonsan [Wararkii ugu danbeeyay…]

Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya inay weli socdaan gurmadka lagu raadinayo dadkii lagu waayey Doontii shalay ku degtay gudaha magaalada, waxaana la helay meydadka labada qof oo midkood la aqoonsaday,

Waxaa la raadinayey 7 qof oo ku maqnaa Doontii degtay, waxaana ku biiray laba qof oo xalay isku dayey inay dabaal ku maraan webiga iyo xaafadahooda iyagoo lagu waayey, waxaana saaka lasoo helay meydadka Laba qof oo uu ka mid yahay Shariif Xasan  Carabeey oo ka mid ahaa ganacsatada, kaasoo dadka degaanka Shabeellow ay qabteen meydadkooda oo webiga sabbeynaya.

Waxaa la aqoonsan waayey meydka qofka kale oo isna degaanka Shabeelow laga helay oo magaalada u jira ilaa 4 KM, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu yahay guddoomiyihii dhalinyarada degmada Shibis, waxaana keenay in la aqoonsan waayo, kadib markii ay wejiga waxyeelo ka gaartay waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid adag, iyadoo biyaha uu wado webiga ay sii kordhayaan.

Tuulada Bacaad oo 9 KM u jirta magaalada Beledweyne ayaa wararku sheegayaan inay gurmad u baahan yihiin iyadoo biyuhu ay go’doomiyeen, iyadoo aan loo sameyn wax gurmad ah, waaana jira tiullooyin kale oo fatahaadda ay go’doomiyeen, una baahan gargaar degdeg ah iyo Doomo halkaasi ka badbaadiya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON