Wararka laga helyo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in meydka qof la sheegay in la dilay lagu arkay xaafad ka tirsan Muqdisho.
Dadka degaanka Kurdamac ee degmada Dayniile ayaa saaka arkay meydka Nin xirnaa dareyska ciidanka milatariga Soomaaliya oo yaalla xaafadda, ayna ka muquato in toogasho lagu dilay.
Wararka ayaa sheegaya in askariga ay koox Bistooladley ah xalay goobtaasi ku dileen, kadibna uga tageen, waxayna ka qaateen Qori uu watay. Waxaana markii danbe halkaasi gaaray ciidamada amniga.
Dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho ayaa intooda badan waxa sheegata Alshabaab oo saacadihii lasoo dhaafay shaacisay inay Muqdisho ku dishay askar.
Maamulka degmada Deyniile, Gobolka Banaadir, iyo hay’adaha Amniga ayaan wax war ah kasoo saarin dilka askarigan iyo ciidamada uu ka tirsanaa.
