Thursday, June 26, 2025

Mid ka mida balanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo ee dadka Muqdisho oo isbedelay [Akhriso]

Waxaa shalay la dareemay isbedel ku yimid mid ka mida balanqaadyadii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shalay gelintii danbe ayaa madaxweynaha loo xiray Garoonka diyaaradaha ilaa madaxtooyada xilli uu dib ugu soo laabtay dalka, isagoo socdaal ku tegay dalka Imaaraadka.

Arrin ayaa noqotay tii ugu horeysay ee loo diiwaan geliyo madaxweyne Farmaajo intii uu la wareegay madaxtooyada, waxaana uu dhowaan madaxweyaha waxqabadkiisa ku daray inaan jidadka Muqdisho loo xirin, dhaqdhaqaaqna uu sameeyo.

Tallaabada jidka loogu xiray madaxweynaha ayaan la ogeyn inay tahay mid waqti kooban ah iyo inay sii socon doonto, laakiin waxaa la ogyahay in xaaladda ammaanka caasimadda  hoos u dhac weyn ku yimid.

Dhinaca kale waxaa maanta xiran inta badan wadooyinka magaalada iyadoo maanta la xusayo sanad guurada 57-aad ee asaaskii ciidanka xoogga dalka.

Goobjooge.com

DHAGEYSO Ballanqaadyadii Madaxweyne Farmaajo: “15 maalmood ayaan Ra’iisal wasaare ku magacaabay, jidna la iima xiro..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON