Wararka laga helayo magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa sheegaya inuu geeriyooday mid ka mida dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar ee ku waxyeeloobay qaraxii Muqdisho.
Sida laga soo xigtay wasiirada Dhalinyarrada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo la socota dhaawacyada loo qaaday dalka Qatar waxa caawa geeriyooday Allaha u naxariiste Maxamed Cusmaan Cali, oo ka mid ahaa 12 dhaawac ah oo Muqdisho laga qaaday Khamiistii.
Dhinaca kale waxaa isbitaalka Hamad ee magaalada Doha lagula tacaalayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan oo maanta ay booqdeen qoyskiisa oo uga yimid dalka Inrgiriiska, waxaana xaaladiisa ay tahay mid degan, balse culus.
Adeegga caafimaad ee Isbitaalka la dhigay Guddoomiye Yariisow ayey sheegtay Wasiir Khadiija inay tahay meel heer sareysa oo qoyska Yariisow ay ku qanceen, sida loola tacaalayo xaaladiisa.