Wednesday, June 25, 2025

Mid ka mida Guddoomiyeyaasha Dhalinyarada degmooyinka G/Banaadir oo Caawa toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in mid ka mida guddoomiyeyaasha dhalinyarrada ee degmooyinka G/Banaadir toogasho lagu dilay.

Guddoomiyihii Ururka Dhalinyarada degmada Wardhiigley C/weli Ahmed Mohamed ayaa la sheegay in rag ku hubeysan bastoolado ay ku toogteen meel u dhow gurigiisa isagoo ku sugnaa agagaarka Masjidka  Cabdala iyo Cowreere, iyagoo kadibna goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada amniga.

C/weli Ahmed Mohamed ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Gobolka Banaadir ee ka dhex muuqday howlaha dhaqdhaqaaqa dhalinyaradda maamulka Gobolka Banadir.

Falalka khaarijinta ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa si weyn u sii kordhay bishan Ramadaan iyadoo hay;adaha amniga dowladda ay ku guuldarreysteen inay ka hortagaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON