Sunday, June 22, 2025

Mid ka mida Madaxda Mucaaradka oo si lama filaan ah isugu sharxay xilka Ra’iisal wasaaraha

Mid ka mida madaxda Xisbiyada Mucaaradka, kana tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa si lama filaan ah isugu sharxay xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, kadib is-casilaadii Xasan Cali Kheyre.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ah oo hoggaaminaya Xisbiga Ileys ayaa magaalada Muqdisho ka wada olole uu ku doonayo inuu Madaxweyne Farmaajo u magaaabo xilka Ra’iisal wasaaraha, iyadoo ka hor yimid go’aanka madaxda Madasha Xisbiyada ee uu ka mid yahay.

C/qaadir Cosoble oo hore u noqday oo xilka madaxweynaha kula taramay Madaxweyne Farmaajo ayaa Muqdisho ka wada shirar ay ku wehliyaan xubno ka tirsan xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana socda galaangal loogu jiro in Madaxweyne Farmaajo lagu qanciyo inuu xilka Ra’iisal wasaraha u magacaabo musharaxan.

Ad

Xldhibaankan ayaa hore u ahaa mid ka mida madaxda sida weyn uga horjeeda hoggaanka Madaxweyne Farmaajo uguna cadcad madaxda mucaaradka, iyadoo aan la ogeyn sida ay ugu dhalatay rajada xilkan; laakiin waxaa aad u yar tahay rajada laga qabo in xilka Ra’iisal wasaaraha loo magacaabo.

Madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheek Axmed ayaa si cad u diiday inay qaataan xil Ra’iisal wasaare oo ka mida dowlad waqtigeeda 6 bilood ka yar ka harsan tahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON