Monday, June 23, 2025

Mid ka mida Raggii loo heystay Kufsiga & Dilkii Caa’isha Ilyaas oo la sii deynayo, Magdhow-na laga qaatay.

Wararka laga helayo Puntland ayaa sheegaya in mid ka mida raggii ku eedeysnaa kiiskii kufsiga iyo dilka Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar yar oo 12 sano jir ah la sii daayey iyadoo heshisi laga gaaray arrintiisa, lagana qaatay Mag la siiyey qoyska gabadha.

Ninkan oo lagu magaaabo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa hore looga reebay xukuntii dilka ahaa ee lagu fuliyey labadii kale ee ay isku kiiska ahaayeen, waxaana arrintiisa lagu dhammeeyay si xeerjajab ah ay labada qoys isla qaateen in Diyo laga bixiyo.

Wararka ayaa sheegaya in lagu heshiiyey biixnta 75 neef oo Geel ah oo middiiba lagu qiimeeyay $500 oo Dollar, iyadoo la bixiyey $25, 000 oo Dollar,ayna y harsan tahay lacag dhan $12,500 oo Dollar.

Ad

Labada Qoys ahaa Dhinacyada oo wada saxiixay heshisi qoraal ah oo lagu cafinayo Dil-sugaha Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame, iyadoo hore loo toogtay walaalkiis oo lagu magacaabi jiray C/fataax C/raxmaan Warsame.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON