Saturday, September 13, 2025

Mid ka mida Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdishio ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dishay Taliyihii Saldhigga Booliska Degmada Wardhiigley.

Taliyahan oo ka mid ahaa saraakiisha dhalinyarrada ah ee dhowaan loo magacaabay xilka, waxaana la sheegay inuu watay Gaari yar oo kuwa la kireysto, isagoo ku sii jeeday Jaamacad uu dhigto, isagoo keligiis  ah oo aan wax ilaalo ah wadan.

Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa gaarigiisa ku dhex dilay taliyaha saldhigga Booliska degmada Wardhiigley oo lagu magaaabi jiray Macalin Daahir Xuseen Afrax, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilka geysatay.

Taliyaha la dilay ayaa hore uga soo shaqeeyay saldhigyada Booliska magaalada Muqdisho, isagoo taliye kasoo noqday dhowr saldhig.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON