Wararka laga helayo magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wasiir hore oo ka tirsanaa xukuumadii Itoobiya la xiray.
Bereket Simon oo ahaan jiray wasiirkii hore ee isgaarsiinta dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday hanti dadweyne oo loogu talogalay mashaariic laga fulin lahaa degaanka Amxaarada, waxaana saaka gurigiisa kala baxay ciidamada Booliska Federaalka.
Wasiirkan ayaa saaxiib la ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi, wuxuuna xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda Itoobiya xilligaasi. Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in Bereket Simon laga qabtay gurigiisa subaxnimaadii saaka, waxaana sidoo kale lala xiray sarkaal sare.
Wuxuu Bereket Simon ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga haya talada Itoobiya ee EPRDF. dowladda cusub ee Itoobiya ayaa xabsiga dhigtay in ka badan 70 saraakiil ah oo isugu jiro militari iyo sirdoon kuwaas oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku takrifal awoodeed.