Thursday, July 3, 2025

Mid kamida Ergadii dooratay Baarlamaanka Federaalka oo Caawa toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox hubeysan ay caawa toogasho ku dishay mid ka mida ergadii soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.

Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Sarkuusta ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana dableyda ku hubeysnaa qoryo iyo bistoolado ay toogteen mid ka mid ah Ergayga oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Nuunoow Aadan.

Marxuumka oo watay gaari, isagoo ka yimid Muqdisho ayaa la sheegay inay dableyda kaxeysteen Gaarigiisii kadib markii ay dileen. Wuxuuna ka mid ahaa ergadii magaalada Baydhaba ku soo doortay xildhibaannada Federeaalka.

Kooxda weerarka geysatay ayaa ka baxsatay goobta iyadoo hore u watay gaarigii uu lahaa marxuumka. Waxaa mar danbe goobta gaaray ciidamada ammaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON