Friday, July 11, 2025

Midowga Afrika oo Ciidamada Somaliya u diray hambalyo ku saabsan magaalooyinka ay qabsadeen

Howlgalka Midowga Afrikca ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen Gobolka Galgaduud oo ay ka qabsadeen Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka ATMIS Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa loogu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Alshabaab ka xoreeyay magaalooyinka Ceeldheer, Xaradheere iyo Galcad Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dowlad-goboleedka Galmudug.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerda loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira”, ayuu qoraalkiisa ku yiri Danjire Souef.

“Al-Shabaab waa ay jabeen waxaana anaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba ”, ayuu Danjire Souef sida lagu sheeegay warsaxafadeed kasoo baxay ATMIS.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON