Midowga Afrika ayaa xayiraad kusoo rogay xubinnimadii dowladda Suudaan ee ururkaasi, iyadoo go’aan kasoo baxay Midowga Afrika lagu shaaciyey in la hakiyey xubbinnimadii dalka Suudaan ee ururka Midowga Afrika inta Golaha milateriga dalkaasi uu xukunka ku wareejinayo dowlad rayid ah.
Go’aankan ayuu Golaha Amniga Midowga Afrika hore dib ugu dhigay, wuxuuna ku soo beegmay iyadoo Golaha Milateriga Suudaan lagu eedeynayo inay dileen in ka badan 100 bannaanbaxayaal shacab ah markii ciidamada gurmadka degdega ah iyo kuwa milateriga ay weerar ku qaadeen goobihii ay fadhiyeen bannaanbaxayaasha ee magaalada Khartoum Talaadadii.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa Jimcaha Berri booqan doona magaalada Khartoum, isagoo la sheegay inuu u dhexdaadinayo hogaamiyayaasha milatariga dalka Sudan iyo isbahaysiga kooxaha dibad-baxayaasha ay leeyihiin ee qaadacay inay wadahadal la furaan taliyeyaasha milateriga.
Abiy Ahmed ayaa la kulmi doona Madaxda Golaha Militariga Sudan iyo Isbahaysiga Xooggagga Xoriyadda iyo Is-beddel doonka Suudaan, iyadoo aan la ogeyn in ururrada is baheystay ee mucaaradka ay ogolaan doonaan dhexdhexaadintan dibadda ka timid.