War kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa looga dalbaday Golaha Milateriga Suudaan ee la wareegay talada dalkaasi inay muddo 15 maalmood ah dib ugu celiyaan xukunka xukuumad rayid ah.
Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo qaabilsan dalalka xasaradaha ka jiraan ayaa ka dalbaday milateriga Suudaan ee talada dalkaasi la wareegay inay muddo 15 maalmood ah xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.
Haddii ay Suudaan mudaddaasi xukunka ku celin weyso rayidka waxaa dalka Suudaan la joojin doonaa xubinnimada Midowga Afrika, iyadoo xeerka Midowga Afika uu qabo inaan la aqoonsan dowlad kasta oo inqilaab xukunka ku timaada.
Golaha Amniga iyo Nabadda waxaa ka mida 15 dal oo ay guddoomiye u tahay Nigeria, waxaana mudadda la siiyey keenay markii dalal dhowr ah soo jeediyeen in laga warsugo golaha milateriga Suudaan.



