Monday, June 23, 2025

Midowga Musharixiinta: “Farmaajo waa Denbiile is tustay inuu dalka xoog ku haysan karo” (Bayaan)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa Bayaan ay soo saareen ku cambaareeyay weerar ay sheegeen inay dowladda waqtigeeda dhammaaday ku qaaday Musharixiinta, kuna hor istaagtay Bannaanbaxa dastuuri ah oo dhici lahaa 19-ka Febraayo 2021.

Bayaanka musharixiinta ayaa Farmaajo lagu tilmaamay inuu yahay denbiile Qaran oo aan qeyb ka noqon karin xaaladda dastuurka, taageerayaashiisa iyo isaguna ay is tuseen inay awoodda dalka xoog ku heysan karo. Waxay caddeyeen inay sii wadi doonaan bannaanbaxyada.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA MUSHARIXIINTA

Ad

Ujeeddo: Bayaan
Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweyne waxay si xooggan u cambaareeynayaan gaboodfalkii wuxuushnimada ahaa oo ay dawladda waqtigeedu-dhamaaday si sharci darro ah ku weerartay goob ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Midowga Musharaxiinta kuna hor-istaagay banaanbax nabadeed oo dastuuri ah oo la qaban lahaa maanta oo ahayd Jimce, bisha February 19keeda kana dhici lahaa magaalada Muqdisho.

Goluhu wuxuu eedda gaboodfalkaas sharci daradda ah dusha ka saarayaa Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Waa dambi aad u fool xun in Madaxweyne-hore Farmaajo isticmaalo ciidan isaga ka amar qaata in ay u maquuniyaan shacabka Soomaaliyeed, uguna takri falo awoodda dalka.

Waxaan shaki ku jirin in fal dambiyeedkaas lagula xisaabtami doono Madaxwene-hore Farmaajo iyo cid kasta oo ku gacan siisay ku tumashada sharciga iyo waxyeeleeynta karaamda, sharafta iyo xorriyada shakhsiga Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Golaha Midowga Musharaxiinta waxay hore u aaminsanaayeen haddana u caddaatay in Madaxweyne-hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka ahayn in uu galo doorasho loo siman yahay.

Waxay Madaxweyne-hore Farmaajo maaweeliyeyaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in uu awoodda dalka xoog ku haysan karo, sharci darrona ku sii joogi karo.

Goluhu wuxuu joogteeyn doonaa banaanbaxyada Dastuuriga ah si shacabka ay u muujiyaan rabitaankooda iyo in dalkaan aysan ka abuurmin diktatooriyad. Goluhu wuxuu u arkaa Madaxweynaha-waqtigiisa-dhamaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinnaba qeyb uga noqon karin xal u helidda siyaasadda kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada sida uu qabo Dastuurka-ku-meel-gaarka ee qaranka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON