Tuesday, June 24, 2025

Midowga Musharixiinta “Ma aqbaleyno inay dalka xukumaan Shaqsiyaad muddo xileedkoodu dhammaaday”

Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb loo baahan yaha inuu noqdo mid loo hda n yahay oo ay ka wada qeyb galaan saamileyda siyaasadda iyo ururrada bulshada.

Qoraalka ay maanta soo saareen ayay Musharaxiintu ka digeen inaysan aqbali doonin inay dalka xukumaan shaqsiyaad iyo hay’ado muddo xileedkooda dastuuriga ahaa uu dhammaaday, waxayna shirka u a rajeeyeen inay kasoo baxdo natiijo lagu wada qanco.

“Laga billaabo 8-da Febraayo heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah oo keli ah ayaa looga gudbi karaa xilliga kala guurka siyaasadeed ee dalka. Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu la tashiyo ku aaddan sida ugu habboon ee firaaqa dastuuriga ah loo dabooli karo la leeyahay saamileyda siyaasadeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, wuxuuna soo bandhigayaa hannaanka ugu haboon ee looga gudbi karo xilliga kala guurka ah”. ayaa lagu yiri warka kasoo baxay musharixiinta.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON