Golaha Midowga Musharixiinta ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda ururada bulshada rayidka oo ay ka wadhadleen xaladda Doorshada iyo khilaafka weli ka taagan.
Xubnaha Bulshada rayidka waxaa hogaaminayey guddoomiyaha ururadaasi Cusmaan Tahliil Shaatax, kulanka kadib ayu sheegay Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay u yimaadeen isla markaana ay soo gaarsiiyeen in xal loo raadiyo xaaladda ka taagan Doorashada, ayna ka codsadeen inay dhex galaa, khilaafka, ayna keenaan talo loo mideysan yahay oo talo lagu aadi karo, ayna diyaar u yihiin kaalin dhexdhexaad ah qaataan ururrada bulshada.
Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa isna sheegay kulankan uu bilow u yahay dhexdhexaadin ay ka galayaan caqabaha Doorashada ka jira iyo arimaha lagu muransan yahay sida Guddiga Doorashooyinka, ayna la kulmi doonaan madaxda dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya 2020/2021.

