Sunday, June 22, 2025

Midowga Musharixiinta oo dalbaday in Dib loogu laabto Kuraastii lagu muransanaa (Qoraal culus)

Ra’iisal wasaaraha iyo golaha wasiirada waa inay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa

Midowga Musharixiinta ayaa ka dalbaday Golaha Wadatashiga Qaran in dib loogu laabto dhammaan kuraasta lagu muran yahay ee lagu doortay K/Galbeed iyo galmudug.

Qoraal culus oo ay u gudbiyeen Golaha Wadatashiga, kadib kuklan ay maanta la yeesheen ayay ku caddeeyeen mowqifkooda sida loo sixi karo khadlaadka hareeyay Doorashad Golaha Shacabka.

Ad

Musharixiinta ayaa soo jeediyey in amniga dalka ay si buuxda mas’uul uga noqdaan Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadda, halka madaxwyenihii hore Farmaajo uu ku ekanayo Musharax.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Golaha Midowga Musharraxiinta

KU: SHIRKA WADATASHIGA QARAN

- Advertisement -

Ujeedo: Soo jeedinta Golaha Midowga Musharraxiinta

Mudanayaal Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu halkan idinku soo gudbinayaa soo jeedin ku aaddan sixitaanka hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinka. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la saxo habraaca doorashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkana deggenaan iyo xasillooni u horseedda.

Odayaasha dhaqanka

1- Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergooyinka waa in ay noqdaan kuwii ka tirsanaa 135-tii oday dhaqan. Waana in la faafiyo liiska magacyadooda inta aysan doorashadu billaaban.

- Advertisement -

2- In odayga mas’uulka ka ah jufada kursiga leh ee ka tirsanaa 135-tii oday ama kuwii soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada, hadba kii la isla qaato, oo la tashanaya odayaasha iyo waxgaradka jufada hoose ee kursiga iska leh uu soo gudibyo xubnaha kale ee afarta ah ee ka mid noqonaya guddiga soo xulista ergada, kuwaasoo kala ah laba oday dhaqan iyo laba qof oo kala metelaya dhallinyarada iyo haweenka jufada kursiga iska leh.

3- Maadaama uu Golaha Shacabka metelo beelaha, waa in odayaasha dhaqanka oo kaashaanaya nabadoonnada iyo caaqillada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbanneeyo xulista ergooyinka, kaalinta dawlad goboleedkana ay ku ekaato fududaynta iyo amniga doorashooyinka.

Ergada

1 – Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka heer dawlad goboleed iyo federal ay xaqiijiyaan ergada wax dooranaysa in ay yihiin kuwii ay soo xuleen odayaasha dhaqanka.

2- Waa in ergada la diiwan geliyo, lana faafiyo liiska magacyadooda, ugu yaraan muddo seddax cisho ahna fursad loo siiyo inay kula kulmaan musharraxiinta kursiga ku tartamaya.

3- Waa in ergada aan laga hor istaagi karin la kulanka musharraxiinta kursiga ku tartamaya.

Musharraxa

1- Shakhsiga lagama hor istaagi karo inuu kursiga beeshiisa u tartamo, waana in kursi kasta lagu tartamo, lana mamnuuco malxiiska ama in shakhsi loo xiro.

2- Musharraxa waxaa tartanka doorashada looga joojin karaa oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, ama in lagu hayo fal argagexiso oo caddayn leh. 3- Waa in musharraxiinta oo dhammi ay fursad siman u helaan la kulanka, iyo ka dhex ololaynta ergada kursiga.

Madaxbannaanida Guddiyada

1- Waa in Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo heer dowladgoboleed loo madaxbanneeyo hirgelinta doorashooyinka.

2- Waa in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu hubiyaa madaxbannaanida guddiyada, tillaabna ka qaadaa shakhsi kasta oo guddiyadaas ka mid ah oo lagu helo musuqmaasuq ama ku milmidda siyaasadda.

3- Waa in goob kasta oo doorasho ay ku sugan yihiin korjoogto iyo saxaafadda madaxa bannaan. Ansax ma noqonayo kursi aysan tartankiisu goobjoog ka ahayn saxaafadda madaxa bannaan iyo korjoogayaal ka kala socda Bulshada Rayadka ah, Xafiiska Ra’iisi Wasaaraha, Musharraxiinta xilka madaxweynaha, iyo hay’adaha caalamiga ah ee doorashooyinka korjoogteeya.

Qoondada Haweenka

1 – Waa in la xaqiijiyo qoondada haweenka lana qeexo hab caddaaladaysan oo ay ku imaaneyso, si meesha looga saaro hab hawo-raac ah oo qoondaynta loogu beegsanayo
murashaxiin gaar ah.

2- Waa in oday dhaqameedyada jufooyinka wada leh seddex kursi ay soo asteeyaan kursiga noqonaya qoondada haweenka inta aanan la qaban doorashada kuraasta seddexda ah oo ay jufado leedahay.

Qodobbo Guud

1- In dib loogu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransan yahay, la burriyo go’aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib u habaynta lagu sameeyey.

2- Codbixintu waa xaq dastuuri, adduunkana kama dhicin codbixiye qarash ku bixinaya ka qaybgalka doorashada. Haddaba si loo suuliyo caqabadaas waa in meesha laga saaro qarash kasta oo ay ergooyinka bixin lahaayeen sida; qarashka danbi baarista, covid19, iwm.

3- In markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay doorashadu billaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso iyo sida ay kuraasta u kala horreeyaan.

Amniga Dalka iyo Doorashooyinka

1- In Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa.

2- Sida uu dhigayo dastuurka kmg ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON