Tuesday, July 1, 2025

Midowga Musharixiinta oo Digniin kasoo saaray 5 Caqabad oo heysta Doorashada (Faragelintii Farmaajo oo…)

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa caawa War-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda dalka guud ahaan, gaar ahaanna hab-socodka doorashooyinkii loo ballansanaa.

Midowga Musharixiinta wuxuu walaac xoog leh ka muujiyay in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonto waqtigii loo asteeyey ay ka dhacdo dalka, isagoo sabab uga dhigay inaan weli la xalin khilaafaadkii taagnaa iyo ifafaaloyinka muuqde ee khuseeya arrimihii ugu waa weynaa ee ahaa caqabadaha horyaala doorashooyinka Dalka.

Musharixiinta waxay sheegeen in si degdeg loogu baahan yahay xal loo helo arrimaha kala ah:

1- Inaan weli la maareyn hanaan doorashada xildhibaannada kasoo jeeda Somaliland, taasoo keenay inay sameysmaan laba Guddi Doorasho.

2- Xaaladda Gobolka Gedo aan laga gaarin xal dhinacyada is haya qanciya.

3- Inaan xal loo helin khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ka taagan Gobolka Hiiraan si ay doorasho loo dhan yahay iga dhacdo.

4- Inaan dhaqaalihii Doorashada meel la saarin, iyadoo Doorashada xilligeedii la taagan yahay.

5- Diyaargarowga Doorashada Aqalka Sare oo aad u hooseeya, taasoo shaki gelineysa jadwalka doorashada

Midowga Musharixiinta waxay ka digeen in haddii aanay xukuumadda iyo maamul Goboleedyada in haddi iaanay si degdeg wax u qaban xaaladaha taagan, ay dib u dhici karto doorashada.

Waxay kaloo walaac weyn ka muujiyeen inuu madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo uu faragelin wali ku hayo Doorashada.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON