Wednesday, June 25, 2025

Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay Bannaanbaxyo cusub (Farmaajo laguma aamini karo Doorasho)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee Mucaaradka ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku shaaciyey inay sii wadayaan bannaabaxyada nabadeed, iyadoo eedeyn u jeediyey madaxweynaha xilligu ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Golaha Musharixiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in qiimeyn kadib ay go’aansatay in la sii wado mudaaharaadyada ayna u arkaan nidaam dastuuri ah oo xadaarad ah, qofkuna ku muujiyo dareenkooda, ayna halis ku galeen naftooda, balse aan laga tanaasuli karin.

Wuxuu mas’uuliyadda oo dhan dusha ka saaray Farmaajo, iyadoo ciidamada dhibaatada geystay ay ka amar qaadanayeen madax uu waqtigoodu dhammaaday oo sharci darro ah, ayna ka xun yihiin in ciidamadii Qaranka loo adeegsado, ciidankas oo ay shalay u dhiseen si hagar la’aan ah oo Soomaaliyeed, ayna niyad jab tahay in loo adeegsado.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay meesha ugu danbeysa ka taagan tahay xoriyadda uu ballanqaaday Dastuurka. “Waxaa dareen ka qabaan madaxweyne xilkiisu dhammaaday ee aan ogoleyn doorasho oo aan ogoleyn bannaanbax sida doorasho loola gelayo. Qof isagoo shabaab kortaagan intaan oo tikniko iyo gaadiid dagaal ah inuu ku dilo dad dalbanaya xoriyad iyo bannaanbax, waxaan aaminsanahay inaan la aamini karin..” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON