Sunday, July 13, 2025

Midowga Musharixiinta oo ku dhawaaqay Shirweyne Wadatashi iyo Hal Arrin oo u caddaatay (Akhriso)

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku dhawaaqay qabashada Shirweyne Wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan waxgaradka Soomaaliyeed,.

Shirweynaha oo aan la sheegin waxa looga hadlayo iyo xilliga uu furmayo ayaa waxaa loo magacaabay labo guddi oo isugu jira Guddiga qabanqaabada shirweynaha iyo Guddiga Amniga Shirweynaha.

Qoraal ay caawa soo saareen Midowga Musharaxiinta ayey ku sheegeen inay caddaatay in Mas’uuliyiinta heer Federaal iyo dowlad goboleed in aysan dan ka laheyn doorasho hufan oo daah furan, .Shirweynaha ay iclaamiyeen Musharaxiinta ma sheegin xilliga uu qabsoomayo iyo magacyada labada Guddi ee qaabilsan qaban qaabada iyo amniga shirweynaha.

Akhriso war-saxaafadeedka

Golaha Midowg Murashaxiinta wuxuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta in ay dalka ka qabsoonto doorasho hufan, daahfuran, natiijadeedana la isla oggol yahay. Goluhu wuxuu 30 November 2021 u cadeeyey shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka in qaabka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, iyadoo doorashadii la sugayey isku beddeshay boob qaawan.

Sidoo kale ayuu Goluhu 10 December 2021 soo bandhigay sida lagu sixi karo doorashada, wuxuuna ku baaqay in la isugu yimaado shir lagu saxayo khilaafka ka taagan doorashada. Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo.

Waxaa kaloo u cadaatay in masuuliyiinta heer federaal iyo dawlad goboleedba aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natijadeedana la isla aqbalo, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni.

Haddaba Golaha oo gudanaya xilka iyo masuuliyadda ka saaran samata-bixinta qaranka iyo qabashada doorasho hufan oo daahfuran ayaa u hawlgelaya qabsoomida shirwayne wadatashi Qaran oo ay isugu yimaadaan Ahlu-xali Wal-caqdiga bulshada Soomaaliyeed.

Si loo taabba geliyo hawshaas culus ayuu Goluhu u magacaabayaa:

1- Guddiga Qabanqaabada Shirwaynaha

2- Iyo Guddiga Amniga Shirwaynaha

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON