Midowga Musharixiinta ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen goor dhoweyd uga hadlay xaaladda dalku marayo iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay.
Waxaa shirka jaraa’id ka hadlay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in dalku ku jirto halistii ay muddo dheer ka digayeen.
Xasan Kheyre ayaa sheegay in dhibaatadda dalka ka jirta uu salkeedu yahay ninka diidan Doorashada ee Farmaajo, ayna ka hor taagan yihiin inuu dalka dagaal geliyo, isgoo bogaadiyey tallaabada uu aaday Taliye Saadaq Joon.
“Maanta waxay mareysaa in ciidanka Soomaaliyeed inay ku kala qeybsamaan damaca Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, dariiqa uu dalkaan ku wado waa God” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa iska sheegay inay wax sharciyad ah aanay dalka ka jirin xilligan, Farmaajo-na la mid yahay ‘Hogaamiye kooxeed’ fadhiya Villa Somalia oo hore hoggaamiye kooxeedyo qaarkood xilal sheeganaya ay joogeen.
Wuxuu Taliyaha Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar uga digay inuu Farmaajo ku taageero qaab qabiil, dalkana u horseedo qalalaase.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey kaalinta uu qaatay Taliyihii Booliska G/Banaadir Saadaq Joon, wuxuuna ugu baaqay Farxaan Qaroole inuu dhiiqada la geliyo ka baxo, kuna kedsoomin.
Wuxuu ugu baaqay Jeneraal Odowaa Taliyaha ciidamada milateriga inay u furan tahay inuu qaado jidkii uu qaaday Saadaq Joon, balse aanu la hadleynin Fahad iyo Xijaar oo ah taliyeyaasha NISA iyo Booliska.
Xasan Sheekh wuxuu sheegay in Farmaajo uu sameeyay wax kasta oo dalka dagaal lagu gelin karo, basle ay diideen kana hortageen.
