Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa soo dhoweeyay Wararka ayaa sheegaya-murtiyeedka ka soo baxay shirka Golaha Wadashiga Qaran, iyadoo ku adkeeyay Ra’iisal wasaaraha inuu si buuxda mas’uul uga yahay Amniga Dalka.
Qoraal Caawa ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ayuu u sheegay in bogaadinayo tixgelinta la siiyey talooyinkii ay soo jeediyeen ee ku aaddanaa sixitaanka habraaca Doorashooyinka.
“Goluhu wuxuu rajeynayaa in madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ay is waafajiyaan habraaca iyo habdhaqanka doorashada. Goluhu wuxuu adkaynayaa in Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga yihiin amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa”. ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Midowga Musharixiinta.
Midowga Musahrixiinta wuxuu soo dhoweeyay ballanqaadka Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble ee ku aaddan mas’uuliyadda xukuumadda ee Amniga dalka. Goluhu wuxuu ku booriyey Raysal wasaaraha in uu xil iska saaro dhaqangalka habraacyada, korjoogtaynta daahfurnaanta doorashada, furitaanka saaxadda siyaasadda oo ay ugu horrayso xorriyadda muddaaharaadka, kulammada, ololaha, safarka, iyo warbaahinta garanka oo loo oggolaado musharrixiinta.
