Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa dalbaday in la dedejiyo Doorashooyinka, iygoo taageero u muujiyey Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxayna Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ku eedeeyeen inay wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo shirqoolo.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Midowga Musharixiinta
Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si dhow ula socday xal u helista khilaafka ka dhex aloosmay Raysalwasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamad Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisii dhammaaday Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Wuxuu Goluhu la socdaa in Raysal wasaare Rooble uu sameeyey tanaasul kasta oo xal loogu helayo khilaafka, balse Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu diiday xallinta khilaafka, taasoo Golaha iyo Shacabka Soomaaliyeedba u caddeysay in uusan weli ka quusan damacii muddo kororsiga, isagoo doonaya in uu awoodda amniga dib u ceshado, si uu u xagal daaciyo caddaalad u helista kiiska Ikraan Tahliil, una carqaladeeyo habsami u socodka hawlaha doorashooyinka.
Haddaba Goluhu
1- Wuxuu ku dhiirragelinayaa Raysal wasaaraha in uu dardar geliyo hawlaha doorashooyinka, gacanta ku dhigo amniga dalka, marna uusan gorgortan ka gelin heshiiskii 27 Maajo ee loogu igmaday gacan ku haynta amniga iyo daadihinta doorashooyinka dalka. GMM wuxuu diyaar u yahay in uu hawshaas culus ku garabsiiyo.
2- Wuxuu ku boorrinayaa Golaha Wadatashiga Qaran in la dedejiyo hawlaha doorashooyinka, loona fududeeyo sida ugu sahlan ee ay degdeg ugu qabsoomi karto, lana turxaan bixiyo tabashooyinka laga qabo habraaca, si dalka looga samatabixiyo hubanti la’aanta siyaasadeed iyo amni. GMM wuxuu diyaar u yahay in uu hawshaas ku gacansiiyo.
3- Wuxuu ku adkeynayaa in ciidanka qalabka sida in aysan siyaasadda ku milmin, kuna garab istaagaan Golaha Wadatashiga Qaran sidii dalka uga dhici lahayd doorasho, kana hortagaan cid kasta oo isku dayda in ay doorashada qalqal geliso.
4- Wuxuu ku ugu baaqayaa beesha caalamka in ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gacan siiyaan deg deg ku qabsoomidda doorashada, tilmaamaanna shakhsiyaadka qaswadayaalka ah ee hortaagan hawlaha doorashooyinka.
5- Wuxuu indhaha ku hayaa dhaqdhaqaaqa ciidan iyo shirqoolka ay maleegayaan Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday iyo taliyihii hore ee NISA, si ay u carqaladeeyaan hawlaha doorashooyinka, una abuuraan xasillooni darri iyo qalqal amni. Goluhu marna ma yeeli doono in ay taasi dhacdo, wuxuuna caddaynayaa in Farmaajo uu qaadayo masuuliyadda iyo cawaaqib xumida ka dhalata falkaas gurracan.
6- Wuxuu dalbanayaa caddaalad u helista Ikraan Tahliil iyo ehelkeeda, wuxuuna ku baaqaya in hay’adaha garsoorka loo daayo kiiska. Wuxuu xeer ilaalinta iyo Maxkamadda ciidanka ku boorrinayaa in ay caddeeyaan caqabadda hortaagan caddaaladda.
Ugu danbayntii Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed, madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, iyo beesha caalamka in aan wadajir iskaga kaashano sidii ay dhaqso ugu qabsoomi lahayd doorashada xilligeeda aadka uga daahday, meelna uga soo wada jeesano shakhsiyaadka qaswadayaasha ah ee carqaladaynaya hawlaha doorashooyinka.
