Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbaday inay qeyb ka noqdaan Shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee la filayo inuu Beri ka furmo magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Midowga Musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Shirka Madaxda uu saldhig u noqon doono heshiiskii 17-kii September, loogana hadli doono xalinta ismari waagga ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya.
Shirka ayuu shegay inuu hoggaamin doono Ra’iisul Wasaare Rooble uu hoggaamiyo, Xubnaha Midowga Musharixiintana ay doonayaan in ay ka qeyb galaan, sidoo kalena ay tahay inay ka qeyb galaan bulshada rayidka si shirku u noqdo mid loo dhan yahay.
“Aragtida Midowga Musharixiinta waa in arrinta Soomaaliya ay tahay ‘Miiska ku dhammaato’, waa ka qeyb galaan Midowga Musharixiinta iyo bulshada rayidka, miiska waxaan rabnaa inay kasoo baxaan wax loo dhan yahay…” ayuu yiri Daahir Geelle.
Wuxuu sheegay inay rajeynayaan in shirka ka qeyb galaan, laakiin haddii wax isbedelaan ay markaas ka jawaabi doonaan.