Midowga Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaa shaaciyay inaysan Madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muddo xileedkiisu xalay 7 Febraayo 2021 ku ekaa, waxayna ku baaqeen in la dhiso Gole badbaado Qaran.
Kadib kulan ay xalay la yeesheen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh ayey saqdii dhexe kadib axay soo saareen Warr-saxaafadeed ay ku caddeeyeen xaalada dalka iyo mowqifkooda ku aadan dhammaanshaha muddo xileedka Madaxweynihii waqtigu ka dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
“Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Midowga Musharixiinta.

HOOS KA AKHRISO

