Monday, June 23, 2025

Midowga Musharixiinta oo Shuruudo cusub u diray Beesha Caalamka (Hal Qodob oo ku cusub -Akhriso)

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa qoraal ay u direen Wakiilada Beesha Caalamka ku faahfaahiyey mowqifkooda sida xal loogu helo karo khilaafka ka tagaan fulinta Doorashada 2021.

Qoraalka Musharixiinta ayaa la mida shuruudaha Puntland iyo Jubbaland, laakiin waxay gaar la yihiin Hal Qodob oo ah in Maxamed C/llaahi Farmaajo ay xilka kala wareegaan Gole KMG ah oo dalka gaarsiiya Doorasho, (kana kooban shanta madaxweyne maamul Goboleed iyo Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, arrintan oo Mareykanku si weyn uga hor yimid) (Akhriso)

Qodobadda Musharixiinta shuruudaha ka dhigeen waxaa ugu muhiimsan: In heshiis wadar-ogol ah laga gaaro hay’adaha maamulaya Doorashooyinka, Arrinta Somaliland iyo Gobolka Gedo, iyo Golaha Midowga Musharaxiinta ka qeybqaataan shirarka wadatashiga Doorashooyinka.

Ad

Waxay dalbadeen inay is casilaan taliyeyaasha militariga, sirdoonka iyo booliska Soomaaliyeed, kadib markii ay ku lug yeesheen weeraradii ka dhanka ahaa musharixiinta Madaxweynaha ee mucaaradka ee dhacay 19-ki Febrayo. Waxay Musharixiintu qabaan in Doorashada loo sameeyo Jadwal aan ka badneyn 60, iyadoo beesha caalamka ay dammaanad qaadeyso, shirarka arrimaha doorashadana lagu qabto goob amni ah.

Shuruudaha mucaaradka oo ka mid ahaa qoraalo ay gudbiyeen dhinacyada ka horjeeda Maxamed C/laahi Farmaajo oo Beesha Caalamka ay ka dalbatay ayaa lagu wadaa in meel dhexe la isugu keeno dhinacyada, iyadoo laga qaadanayo qodobadda ugu muhiimsan ee la isku afgaran karo.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta khadka Internetka kulan kula yeelanaya musharixiinta Mucaaradka si ugala hadlaan waanwaanta ay ka dhex wadaan dhinacyada Soomaalida.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON